Somalia :Dowladda dhismayaashii hore ka saareyso shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka saareyso dhismayaashii hore ee dowladda Soomaaliya shacabka Soomalaiyeed ee mudada sanadaha ah daganaa.

Dowladda waxay sheegtay inay dadkaasi ka saarayaan goobaha ay degen yihiin islamarkaana dib u dayactir lagu sameyn doono, iyada dib ay ugu shaqeyn doonaan hay’adihii lahaa.

Cabdirashiid Cabdullaahi Wasiirka  Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay hadda u baahan tahay meelo kooban oo keliya laakiin aysan dhulka  oo dhan aysan u wadda baahneyn .

Waxaa uu tilmaamay in meelahaasi kooban lagu sameyn doono dayactir si ay ugu shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin in dhulka dowladda hal mar dadka laga raraayo laakiin hadba meeshii loo baahdo dadka laga raridoono.Xaafado badan oo ka mid ah Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka jirtay Cabsi xooggan oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay barakiciso, maadaama ay degan yihiin dhulkii dowladda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.