Somalia :Dowladda oo sheegtay in rag Al-shabaab ah iyo hubkooda isku soo dhiibeen

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Baay ayaa sheegay inay isku soo dhibeen xubno ka tirsan Alshabaab iyo hubkii ay waten.

Siidow Cali Shiine, oo ah guddoomiyaha deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay, ayaa sheegay in ragga Al-shabaab ka tirsan ay isku dhiibeen maamulka deegaankaasi.

Guddoomiyaha, wuxuu sheegay in afar kamid ahaa Al-shabaab oo uu ku jiro oday da’ah ay isku soo dhiibeen maamulka deegaanka, laguna soo dhaweeyay deegaankaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Afarta ruux ayuu sheegay inay muddo waddeen qorshe ay isku soo dhiibi lahaayeen, balse ugu dambeyn shalay gelinkii dambe ay suuro gashay inay isku soo dhiibaan ciidamada deegaanka.

“Dhallinyaro la qalday ayeey ahaayeen, Saddex ka mid ah waxay kala jiraan 15, 17, iyo 18 sano, ruuxa kalena waa 50 sano jir, hubkoodana waa ay wateen, xiriir badan ayeey nala soo sameeyeen”

“Ciidanka xoogga dalka ayaa soo wadey oo halis ay ku jireen ka badbaadiyey, waxay ahaayeen kuwo aad u rafaadsan, waxay waayeen raashiin ay cunaan, waxay doorbideen in fikirkii lagu qalday kasoo laabtaan sidaasi ayeeyna ciidamada isugu soo dhiibeen.” ayuu yiri guddoomiyaha Goofgaduud.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Alshabaab oo xaqiijinaya in xubnahan ay iyaga kamid ahaayeen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.