Somalia :Aqalka sare oo soo faragelinayo khilaafka baarlamaanka & Garsoorka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo hay’adaha garsoorka ayaa isku qabtay dib ugu laabashada doorashada kuraasta ilaa siddeed xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka.

Waxayna arintaasi keentay inay isku khilaafaan go’aanka kasoo baxay maxkamada sare ee dalka iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xildhibaanada aqalka sare ee dalka ayaa sheegay inay soo faragelinayaan xalinta khilaafkaasi, wuxuuna sheegay inay soo gaartay arintaasi.

Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ayaa sheegay in dhawaan isku dayo doonaan sidii arintaasi loo xalin lahaa.

“Aqalka sare howshaas waa ku howlan yahay, hey’adihii  dhammaan ay arrintaas khuseysay kulamo ayuu la wadaa, waxaan ku rajo weynahay in laga gaari doono xal sababa xasilooni siyaasadeed dalka in uu ku jiro.” Ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Sidoo kale wuxuu sheegay in labada Hay’adood ay yihiin kuwo kala madax banaan oo aan shaqo isku laheyn.

“Dabcan wey kala madaxbanaan yihiin oo hey’adaha dowladda waa 3 hey’adood, hey’adda garsoorka, hey’adda sharci dejinta iyo midda fulinta, laakin waxa meeshan ku jiro waxaa waaye xal siyaasadeed howl lagu soo qabtay oo u baahan xal siyaasadeed, marka aqalka sare waxaa uu ku howlan yahay sidii looga gaari lahaa xasilooni siyaasadeed.”ayuu hadalkiisa ku daray.

Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, Guddoomiye ku Xigeenka Aqalka Sare
                        Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, Guddoomiye ku Xigeenka Aqalka Sare

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.