Somalia :Ciidamada dowladda oo fashiliyay Qarax waddada lagu aasay

Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa goor dhaw fashiliyay qarax miino oo lagu aasay wadada dhinaceeda, kadib markii dadka degaanka ay ku soo wargeliyeen ciidamada.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay inay tageen goobta lagu aasay qaraxa miinada ah, waxaana ciidanka ay u suuragashay inay fur furaan miinadaasi.

Qaraxa miinada ayaa lagu aasay degaanka KM-13, halkaasi oo dhawr mar ciidamada qarax miino lagula eegtay xilliyada gaadiidka ciidanka ay saaran yihiin halkaasi ay marayaan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa wuxuu sheegay ciidamada ammaanka inay saaka aroortii ku soo ka laheen goobtaasi, kadibna si nabadeglyo ah ay ku fur fureen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.