Kenya : Uhurru Kenyatta oo furaya xuduuda Somalia iyo Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya oo boqolaal qof kula hadlaayay  Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi bari ee dalka  Kenya ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay furaan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo uu sheegay in hadda uu xiran yahay.

Uhuru Kenyatta waxaa uu sheegay in furitaanka xadka ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya iyo Kenya , islamarkaana ay si weyn uga qeyb qaadan doonto kordhinta dhaqaalaha labada dal.

Shacabka kunool Mandera ayuu ugu baaqay in ay arintaasi ay kala shaqeeyaan dowladda ,ayna soo sheegaan haddii ay arkaan Shabaab xadka kasoo gudbaya.

“  Waxaan doonaynaa in aan furmo xadka aan la wadaagno Soomaaliya oo hadda xiran intiisa badan taasoo dhaqaalaha iyo ganacsiga degaankaan kor u qaadikarta” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ugu baaqday  dadka Soomaalida ah ee kunool gobolka Waqooyi bari in ay doortaan shaqsiyaad aqoon u leh degaanka oo Soomaali ah, kuwaa soo dadka kunool gobolkaasi noolashooda kor u qaadikara.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday in ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ka dib markii ay kordheen Weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.