Somalia :Madaxweynaha Jubbaland oo booqanayo Gedo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo maamulkiisa uu ka taliyo.

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay socdaan qaban qaabada madaxweynaha uu ku tagayo deegaanada gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa ku hormari doono degmada Doolow, waxaana la filayaa inuu usii gudbaa deegaanada kale ee gobolka Gedo oo maamulkiisa ka taliyo.

Axmed Madoobe, ayaa Doolow waxaa kaga soo horumari doonaa Wasiirka amniga Jubbaland iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.

Meelaha uu booqan doono, ayaa waxaa ka mid ah magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, sida Saraakiisha Jubbaland ay xaqiijiyeen.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe
                                                   Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.