Somalia : Hal milyan oo xoolo ah oo Sacuudiga loo dhoofinayo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku guuleysteen dib usoo celinta Suuqa xoolaha Soomaaliya oo ahaa dalka Sacuudiga kadib dadaal dheer oo la sameeyay.

Sheikh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka xanaanadda xoolaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u bilaaban doonaan xoolihii loo dhoofin jiray dalka Sacuudiga ee laga qaadi jiray Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay in inka badan hal milyan oo neef loo dhoofin doono dalka Sacuudiga laguna guuleystay arintaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga Xajka owgiisa ay xoolahaasi u ogolaatay.

Waxaa uu sheegay  sidoo kale  in ay waddaan dadaallo kala duwan oo ku aadan in dowladda Sacuudiga dhammaan ay dib u bilowdo xoolihii Sacuudiga ay Soomaaliya u dhoofin jirtay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Sacuudiga ayuu sheegay in ay u socdaan wadahadallo ku aadan iibsiga xoolaha Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa joojisay xoolihii looga soo  dhoofin jiray Soomaaliya Sanadkii 2016-da,Waxaa lagu sheegay joojinta xoolaha loo iibgeyn jiray Sacuudiga sababo la xiriira dhinaca caafimaadka.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.