Somalia :Jubbaland oo baareyso duqeymo dad rayid ah ku dhinteen

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay baarayaan duqeymo dad rayid ah ku dhinteen oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay baarayaan duqeynta dadka rayidka ah waxyeelada ay kasoo gaartay oo ka dhacday galbeedka magaalada Kismaayo ee gobolka JUbbada Hoose.

Maxamuud Sayid aadan, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, ayaa sheegay inay ka warqabaan duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Qabri Shariif oo duleedka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Mar walba waan ka warqabnaa duqeymaha loo geysto ALshabaab,waxaana la bartilmaameedsadaa saldhigyada ay ka soo duulaan Shabaabka,gaadiidka ay ku safraan iyo meel walba oo joogaan.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubba Maxamuud Sayid Aadan.

Diyaaraddo dagaal oo loo malaynayo in laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa duqeymo ka geystay gobolka Jubbada Hoose.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.