Somalia : Qatar oo safaarad ka dhisaneysa Muqdisho

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Qatar ay waddo qorshe ay safaarad rasmi ah kaga furaneyso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahaasi uu jawaab u yahay go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay qaadatay dowladda Soomaaliya markii khilaaf uu ka dhex curtay wadamada Khaliijka.

Haddii dowladda Qatar ay safaarad ka furato magaalada Muqdisho, waxay noqon doontaa dowladda labaad ee si toos ah safaaradeeda kaga shaqeyso magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa ah dowladda kaliya ee haatan safaaradeeda ay si toos ah kaga shaqeyso magaalada Muqdisho, taasi oo muujisay taageerada dowladda Turkiga ay u fidineyso shacabka Soomaaliyeed.

Laakiin Imaaraatka Carabta ayaa xarun kumeel gaar ah ku leh agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.