Somalia : Madaxweyne Gaas oo soo dhisayo golaha wasiirada cusub ee Puntland

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo kalsoonida ay baarlamaanka ka waayeen wasiirada maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas, wuxuu sheegay in sida dastuurka uu qabo muddo 21 cisho ah uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub ee Puntland oo markale baarlamaanka la horgeyn doono.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka ay qaadeen talaabo waajib ah oo dastuuri ah, maadaama wasiirada ay kula xisaabtameen xilalka ay hayaan iyo shaqadooda.

“Sida aad lawada socotaan waxaa ay maanta oo taariikhdu tahay talaado 18,2017, ay golaha baarlamaanka Puntland kala noqdeen xasaanadii golaha Xukuumadda Dowladda Puntland , taasi oo ah arrin Dastuuri ah oo waajibaad-kooda shaqo ah”

“Taasi waxay i faraysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda kusoo dhiso, muddada uu ii ogolyahay Dastuurku, anigoo la tashanaya Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland uuna qabo Dastuurka Puntland”

“Sidoo kale waxaan ugu baaqaya Shacabka Puntland in ay ka qeyb-qaataan amniga dalka lana shaqeeyaan laamaha amniga isla markaana taageeraan horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland”

“Ugu dambeyntii waxaan Ku boorinaya ciidamada qalabka sida ee Puntland, in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida dalka, isla markaasna ka feejignaadaan dhagaraha ay maleegayaan sharwadayaashu, aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin”ayuu yiri C/Welli Gaas.

Ciidamada iyo shacabka ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan adkeynta amaanka deegaanada maamulka Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa codka kalsoonida siin doono golaha wasiirada cusub ee uu soo dhiso madaxweynaha maamulka Puntland.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.