Somalia :Sacuudiga oo dalkooda kusoo celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen degen

31

Hay’ad gargaar oo laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya laguna magacaabo King Salman Center for relief and humantrain  ayaa shaaca ka qaaday in ay bilowday qorshe dib loogu celinayo dalkooda Soomaalida ku nool dalka Yemen oo ay ka jiraan colaado.

Hay’adda ayaa tilmaamtay in la diiwaan galiyay Soomaali tiradooda ay gaarayso 100 ruux oo ku sugan dalka Yemen, dibna loogu soo celin doono dalka Soomaaliya, waxa ayna intaasi ku dartay hay’adda in qorshahaasi ay kala kaashanayso hay’adda qaxootiga aduunka ee loo soo gaabiyo IOM.

Saalix Alzubiani, oo ah agaasimaha hay’adan ayaa tibaaxay in qorshahooda uu yahay in qaxooti Soomaaliyed oo tiradooda ay u dhexeyso 1,075 ilaa 2,500 ay ka soo raraan dalka Yemen dibna loogu soo celin doono dalkooda isagoo u waramayay warbaahinta dalka Sacuudiga.

Dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaalo xoogan ayaa waxaa ku sugan qaxooti Soomaali ah kuwaasi oo xili hore tagay dalkaasi, kana cararay dagaalada ka socdo gudaha dalka Soomaaliya.

Comments