Somalia :R/wasaare Kheyre oo sharuud ku xiray Shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaro

46

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sharuudo ay horyaalaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dooneysa inay helaan shaqo abuur ay u sameyso dowladda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa cadeeyay in shaqo abuurka loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliya ay ku xiran tahay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Wuxuu sheegay in shaqo abuurkaasi uu yahay mid wanaagsan oo wax badan ka badali karo horumarka dalka balse loo baahan yahay in dhalinyarada ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre, ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay isku soo dhawaadaan si horumar wanaagsan loo wada gaaro.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo dhalinyaro badan ay dhibaatooyin shaqo la’aan ah ku heysato dalka Soomaaliya.

Comments