Mogadishu : Hogaamiye ka tirsan kooxda Daacish oo lagu xiray Magaalada Mosul

25

Booliska Dalka Ciraaq ayaa xabsiga dhigay Haweeney ka mid aheyd Hogaamiyayaasha Ururka Daacish kadib howlgallo laga sameeyay Magaalada Mosul ee Dalka Ciraaq.

Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Axlaam Muxseen Cali lagu qabtay howlgallo laga sameeyay Magaaladaasi, waxaana uu tilmaamay in haatan su’aallo la weydiinayo Haweeneydaasi.

Waxaa uu xusay in uu aaminsan yahay in weli Xubno ka mid ah Ururka Daacish ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Magaalada Mosul.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada Dowladda Ciraaq iyo kuwa Mareykanka ay halkaasi ka saareen Ururka Daacish.

Dhinaca kale militariga Pakistaan ayaa waxuu ku eedeeyay Ciidamada Dowladda Hindiya in ay duqeyn ku dileen Askar ka mid ahaa Ciidamada dowladda Pakistaan oo ku sugnaa Gobolka Kashmiir.

Militariga ayaa waxuu xusay in 4 ka mid ahaa Ciidamadooda oo mararay Gobolkaasi lagu duqeeyay, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay ay ku sheegeen in Weerarkaasi ay ka dambeeyeen Ciidamada Hindiya.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Dalka Hindiya oo ku aadan eedeyntaasi.

Comments