Somalia :Dowladda oo sheegtay in 40 Alshabaab ah lagu dilay duqeyntii Gedo ka dhacday

34

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in dagaalyanahano ka tirsan Alshabaab oo tiradooda ay gaarayso 40 lagu dilay Duqeyn dhanka diyaaradeed  oo ka dhacday duleedka magaalada Garbahaarey.

Cismaan ayaa xaqiijiyay in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay fuliyeen duqaynta diyaaradeed Wuxuuna intaasi ku daray in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Alshabaab oo ku taalla deegaanka Kalbis ee gobolka Gedo.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in weerarada duqaynta ah ay ku dhinteen in ka badan Labo ruux oo ajaanib ahaa.

Sidoo kale ciidamada Kenya ayaa duqeeyay deegaan lagu magacaabo Funuje oo 25 Km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Garbahaareey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay alshabaab oo ku aadan hadalka maamulka gobolka Gedo ee ah in la duqayay xarumo ay ku shirayeen saraakiil ka tirsanaa ayna ku geeriyoodeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Todobaadkii aan ka soo gudubnay ayey aheyd markii diyaarado dagaal oo laga leeyahay Maraykanka ay duqeeyeen deegaanka Kunya barow ee gobolka Shabeelada Hoose, inkastoo Alshabaab ay sheegeen in wax qasaaro ah uusan ka soo gaarin weerarkaasi.

Comments