Ciidamada Puntland oo guri guri u baaraya xaafadaha magaalada Garowe

51

Ciidamada maamulka Puntland ayaa baaritaano ka wada magaalada Garowe ee gobolka Nugaal sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Nugaal.

Baaritaankaan ay sameynayaan ciidamada maamulka Puntland ayaa la sheegay inay ujaadiisa tahay xaqiijinta amaanka magaalada Garowe.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa waxay guri guri u baarayeen xaafadaha magaalada Garowe, waxayna ka baadi goobayaan tuhuno amni oo ay dareemeen.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Garowe.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Magaalada  ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa horay u sheegay in ciidamada Ammaanka ay sii waddayaan howlgallada inta  loo soo qabqabanaayo kuwa lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

Comments