Somalia :Xildhibaan Xidig oo xukumadda ku eedeeyay Yaraanta Mushaarka ciidamada Dowladda

38

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyadda siisay amaanka dalka.

Balse wuxuu sheegay in askariga qaran ee Qoraxda taagan inuu qaato dhaqaalo aan ku filneyn, balse madaxda shaqaalaha iyo xubnaha kale eek u jira Mukeyfyada inay qaataan dhaqaalo seddex jeer ku laban laaban mushaarka askariga qaranka.

“Wadankeena mudnaanta koowaad iyo labaad waa amniga, haddana amniga anaga ayaa indhaha ka tuureynaa”

“Yaa amniga ilaaliya Madaxweyne miyaa ilaaliye, Wasiir miyaa illaaliya, Xildhibaan miyaa ilaaliya, Agaasime miyaa ilaaliya? Ciidamo ayaa illaaliya, maxaynu ciidamada u xaqiraynaa, waa kuma qofka maanta Somaliyed ee Somaliya jooga ee Boqol doolar isaga iyo xaaskiisa ku noolaan karo, maxaynu u oranaynaa ciidamada ayaan muhiimada siinaynaa”

“Shaqaalaha rayidka qofka (A) wuxuu qaataa Kun doolar iyo ka badan (B) Wuxuu qaataa Todobo boqol iyo ka badan (C) wuxuu qaataa Afar boqol iyo ka badan waxayna ku jiraan Mukeyf Kobashiin ayeey cabaan gaari ayaa u yaal, Askariga furunta joogana waxaa la leeyahay Boqol doolar ha qaato ma suuragaleyso”

“Haddii ay dhab tahay in amniga dalka aan ka hadalno oo ciidamada ay shaqeeyaan, Boolis, Nabad Suggida Asluubta inuu la mid noqdo ugu yaraan qof (C) oo lacag dhan Shan boqol oo doolar uu qaataa.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

 

Comments