Somalia :Xildhibaan Fiqi oo dowladda ka dalbaday in laga raali geliyo hadalkii Sh Nuur Baaruud

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Sheikh Nuur Baaruud Gurxan ee ku aadanaa inaysan ka hor imaanayaan xildhibaanadii mooshin keena.

Xildhibaan Fiqi, wuxuu sheegay in Sheikh Nuur Baaruud uu gaf toos ah u geystay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay madaxda ugu sareyso dalka inay jawaab ka bixiyaan hadalkii kasoo yeeray Sheikh Nuur, Waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu u qornaa sida hoose:-

Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka & xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka isla markaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada.

Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadoo arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka.

Hadalka Sheekhu ma ahayn mid ku qotoma arin jirta, wuxuu ahaa mala-awaal iyo buunbuunin been kooxo dawladnimada diidan ay abuureen, Barlamaanka Dawladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan.

Hadaba, madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ah ilaaliyaha dastuurka qaranka waxaan ugu baaqayaa inuu gefkaas jawaab shaafi ah ka bixiyo, hadda ka dibna uusan marqaati ka noqon meel loogu gefayo hey’adaha dawladnimadu ku taagan tahay sida barlamaanka, dhinaca kale Sh. Baaruud inuu hadalkaas aan munaasibka ahayn ee ka dhacay uu ka soo noqdo, kana cudurdaarto.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.