Somalia :Qorshe dhaqaalo loogu ururinayo ciidamada Dowladda oo bilowday

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ahna taliyaha ciidamada qalabka sida ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay dhaqaalo loo ururinayo ciidamada qalabka sida.

Barnaamijkaasi oo ah mid cusub ayaa waxaa ujeedadiisa tahay in laga maarmo ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya inka badan 10 sano.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada AMISOM looga maarmi doono isku tashi guud oo ay sameeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban in laga adkaan karo Al-shabaab iyo dadka kale ee cadowga ku ah dowladda Soomaaliya.

Barnaamijka dhaqaalaha loogu taageerayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ah mid la doonayo in shacabka Soomaaliyeed ay iska aruuriyaan dhaqaalaha la siinayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana accountiyo laga sameeyay Bangiga dhexe ee dalka iyo xawaaladaha kale.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.