Madaxweynaha Turkiga oo u hanjabay Xoogaga Kurdiyiinta

Madaxweynaha Dowladda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aysan u dulqaadan doonin Kurdiyiinta ay maamul ka yagleelaan Deegaanada dhaca Xuduudka Dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxuu sheegay in Xukuumadda Ankara ay Koox argagixiso u aqoonsan tahay Kurdiyiinta, islamarkaana ay Ciidamo dheeraad ah u dirayan Dalka Syria si ay ula dagaalamaan Xoogaga Kurdiyiinta.

Waxa uu sidoo kale sheegay in an loo dulqaadan karin in ay dhisaan maamul ay ku curyaaminayaan Turkiga.

Turkiga ayaa muddooyinka dambe walaac ka  muujinayay taageerida dhanka hubka ah ee uu Mareykanka siinayo Xoogaga Kurdiyiinta.

Maraykanka ayaa dhinaciisa ku adkeysanaya taageerada Kurdiyiinta oo uu sheegay in ay la dagaalamayaan kooxda daacish ee ku sugan dalka Siiriya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.