Somalia :Al-shabaab oo sheegay inay askar ku dileen Degmada Balcad

492

Waxaa Warar dheeraad ah uu ka soo baxayaa iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Xarakada Al Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegay in Weerar qorsheysnaa ay ku qaadeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo jidgooyo dhigan rabay Tuulo hoostagta Deegaanka Halgan.

Waxaa Xarakada sidoo kale ay sheegeen in 3 qori ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda intii uu socday iska horimaadkaasi ka dhacay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, Xarakadu waxey shaacisay ugu yaraan labo 2 Askari in ay ku dileen Weerar kale oo ka dhacay nawaaxiga Degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe oo ku aadan sheegashada Xarakada Al Shabaab ee ah in Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada ay halkaasi ku dileen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.