Mogadishu :Ra’iisul wasaare Kheyre oo doonaya sii deynta maxaabiis Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal dheeri ah ugu jiro sii deynyta maxaabiis badan oo u xiran xabsiyada caalamka kuwaasi oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Xasan Cali Kheyre, wuxuu ku guuleystay in dowladda Ethiopia uu ka dhaadhiciyo inay kusoo wareejiyaan 120 maxaabiis ah kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

Wuxuu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxda dalalka Siishalis [Seychelles iyo Muorities] isaga oo kala hadlay sidii xabsiyada dalkaasi looga sii deyn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran.

Wuxuu sheegay ra’iisul wasaaraha dalka inuu ku rajo weyn yahay sii deynta maxaabiista Soomaaliyeed ee sida sharci darada ah ugu jiro gacanta dalalka caalamka.

Tallaabada ra’iisul wasaaraha uu ugu guuleystay sii deynta maxaabiista ayaa waxaa aad ula dhacay shacabka Soomaaliyeed.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.