Somalia :Ruuxii ka dambeeyay Ban lagu tuuray Suuqa Bakaaraha oo lasoo bandhigay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo qabteen shaqsigii shalay bam gacmeedka ku tuuray ciidamo ku sugnaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliska ayaa xarunta dambi baarista ee CID kusoo bandhigay Xasan Axmed Cismaan oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay bam gacmeed shalay lagu tuuray Suuqa bakaaraha ee Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga xukuumadda Soomaaliya Axmed Carab oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xasan uu yahay shaqsigii geystay bamka dhimashada iyo dhaawaca sababay.

Afhayeenka ayaa sheegay in shaqsiga lasoo qabtay ay ku qabteen ciidamada amniga cadeymo muujinaya inuu isaga ka dambeeyay bam gacmeedkaasi.

Wuxuu sheegay in baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono lana horkeeni doono cadaalada, sida uu sheegay afhayeenka.

Eedeysana lasoo bandhigay looma ogolaan inuu saxaafada la hadlo si uu kaga jawaabo eedeymaha lagu soo qabtay.

Maalintii shalay bam gacmeed lagu tuursay Suuqa weyn ee bakaaraha ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Bakaro Market

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.