Mogadishu :Jahwareer Ganacsi oo ka taagan magaalada Beledweyne [Warbixin]

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in jahwareer Ganacsi uu ka taagan yahay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Jahwareerka waxyaabaha keenay ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana saaka xiran goobaha ganacsiga ee ku yaala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arinta ay ka dambeysay kadib markii magaalada Beledweyne la geeyay lacag badan oo been abuur ah, taasi oo sababtay in dadka ay iska diidaan.

Waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala sarifto shilin Soomaaliga, waxaana uu magaalada Beledweyne ka marayaa halkii doolar 35 kun oo shilin Soomaaliya halka markii hore uu ka ahaa 28 kun.

Maamulka HirShabeelle ayaa dhinaca kale sheegay in arintan ay ka dambeyso kadib markii Alshabaab ay ka diideen deegaanada ay ka maamulaan Hiiraan isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga.

Taasi ayaana sababtay in ganasiga uu istaago islamarkaana sara u kac laga dareemo qiimaha sarifka, sida uu sheegay wasiirka maamuliyadda ee HirShabeelle.

Ma jiro wax ganacsi ah oo saaka ka taagan magaalada Beledweyne, waxaana maamulka gobolka uu ganacsatada ka dalbanayaa inay furaan goobaha ganacsiga ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.