Mogadishu : Ra’iisul wasaare Kheyre oo shir kaga qeyb galaya Addis Ababa

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, isagoo halkaasi kaga qeyb galaya shir caalami ah.

Waa safarkii labaad oo muddo bil gudahood ah uu ku tago magaalada Addis Ababa, waxaana uu kaga qeyb galayaa shirar kala duwan oo madaxda dalalka Africa ah yeelanayaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u xilsaaray ra’iisul wasaaraha dalka inuu ku matalo shirkaasi oo markii hore la qorsheynayay inuu ka dhaco magaalada Kigali balse markii dambe loo badalay Addis Ababa.

Shirka uu Kheyre kaga qeyb galayo magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda dalalka Africa, waxaana looga hadlayaa xaaladaha qaarada Africa iyo sidii la iskaga kaashan lahaa horumarka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ma ahan ruux jecel safarada balse waxaa jiro dalabaad kaga yimaado dhanka madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsado inuu ku matalo shirarka qaarkood.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.