Somalia :Al-shabaab oo dilay ajaaniib ka barbar dagaalamaysay

Ururka Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay dileen labo ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamaysay kadib markii ay is qabteen, sida dad deegaanka ay sheegayaan.

Labada ruux ee ajaaniibta ah ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwo u dhashay dalka India, kuwaasi oo Al-shabaab ka tirsanaa, lamana oga sababta loo dilay.

Toogashada labada ajaaniibta ah ayaa ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana goobjoogayaasha ay sheegayaan inay jirto cabsi xoogan.

Cabsida xoogan ayaa soo wajahaday ajaaniibta kale ee ka barbar dagaalanta Al-shabaab, waxaana ay ka baqayaan in la toogto haddii fikir kala duwanaansho uu yimaado.

Al-shabaab ayaa horey u dilay xubno badan oo Ajaaniib ahaa, kuwaasi oo markii hore ay isku fikrad ahaayeen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.