Somalia : Dowladda Soomaaliya oo dhaqaalo ku deeqday [akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa ku deeqday dhaqaalo loogu talo galay in wax loogu qabto qaxootiga aduunka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka qeyb galayay shirka arimaha qaxootiga oo ka dhacay dalka Uganda, ayaa balanqaadkaasi sameeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaana shirkaasi kaga dhawaaqday inay ku deeqday 100 kun oo doolar, waxayna la mid noqotay dalal sanado badan dowladdo heystay.

Kenya iyo dalal kale oo african ah ayaa ku deeqday lacagta ay ku deeqday dowladda Soomaaliya, waana arin wanaagsan oo dowladda Soomaaliya ay qaaday.

Muddo badan Soomaaliya ayaa wax loogu deeqi jiray balse haatan waxaa muuqata inay horumar dhanka dowladnimada qaadeyso.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.