Mourinho oo kala doortay Morata iyo Cristiano Ronaldo

57

saxaafadda Spain gaar ahaan wargeyska Marca wuxuu warinayaa in Jose Mourinho uu doortay Alvaro Morata isagoo meel iska dhigay wararka sheegaya inuu lasoo saxiixanayo Cristiano Ronaldo.

32-jirkaan heerka caalami waxaa lagu heli karaa 880 Malyan oo Pound sida uu xaqiijiyay Florentino Perez oo markii shanaad loo doortay madaxweynaha Real Madrid.

Kabtanka Portugal wuxuu ka careysan yahay sida ay ula dhaqmeen waaxda canshuuraha dalka Spain kuwaas oo ku eedeeyay inuu lunsaday aduun dhan 13 Malyan oo Pound, halka da’yarka reer Spain uu isna kaga cararayo caasimadda waqti xumo iyo inuu noqon waayay dooqa tababare Zinedine Zidane.

Comments