Modric oo 5 sanoo xabsi ah ku muteysan kara hadii lagu helo arintaan

69

Xafiiska dacwad oogayaasha Croatia ayaa bilaabay inay baaritaan ku sameeyaan Luka Modric kaddib markii lagu tuhmay inuu si been ah u marag furay intii lagu guda jiray maxkamadeyntii musuq maasuqa ee agaasimihii hore ee kooxda Dinamo Zagreb Zdravko Mamic.

Ciyaaryanaka qadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid ee Modric waxaa loo arki karaa beenaale kaddib markii lagu eedeeyey inuu wax ka bedelay qoraalkiisa ku aaddanaa sharraxaad uu bixiyey intii lagu guda jiray kiis dhacay sanadkii 2015-kii.

Sida uu qabo sharciga dalka Croatia haddii aad si been ah u marag kacdo adigoo maraqaati ah, isla markaana lagugu helo dambigaas waxaad ku muteysanaysaa xabsi u dhexeeya lix bilood ilaa shan sanadood.

31-sano jirkaan oo wax looga weydiiyay musuq maasuq la xiriira heshiisyo la is daba mariyay xilligii uu u ciyaarayay kooxdiisii hore ee Dinamo Zagreb ee uu Agaasime ka ahaa Zdravko Mamic ayaa la sheegayaa inuu wax ka bedelay macluumaadka faah faahintaas, sidaas darteedna haddii lagu helo debigaas uu xarig ku muteysan karo.

Comments