Mogadishu: Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay wadahadalka Ahlu sunna

39

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay wadahadalka uu qorsheynayo inuu maamulkiisa la galo maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Axmed Geelle Xaaf, ayaa sheegay inuusan wali bilaaban wadahadalka tooska ah ee Ahlu sunna iyo Galmudug, balse rajo wanaagsan ay ka qabaan in heshiis ay gaaraan labada dhinac.

Mr Xaaf, ayaa sheegay in dhawaan ay filayaan inuu furmo shirweynaha wadahadalka Galmudug iyo Ahlu sunna isagoo rajo wanaagsan muujiyay.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa markii la doortay wacad ku maray in heshiis iyo nabad uu ka dhalin doono gobolada Dhexe.

Dhan kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in lasoo Afjari doono colaada ka taagan Bariga gobolka Mudug.

Hoos ka dhageyso codkiisa.

 

Madaxweynaha Galmudug Xaaf

Comments