Faah-Faahin: Ganacsade lagu dilay magaalada Baladweyne

47
Dil

Wararka aan Caawa ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka HGiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa kooxo hubeysan ee halkaasi ku dileen Mid ka mid ah Ganacsatada ugu Caansan magaalada Baladweyne.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaaalda Baladweyne waxaana ninka Ganacsadaha ee la dilay Magaciisa lagu sheegay Ibaarhim Cusmaan Muumin oo loo yaqano (Ibraahim Fanax)

Mid ka mid ah dadka ku nool Xaafada howl-Wadaag oo diiday magaciisa iyo codkiisa in Qalabka Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in kooxdii dilkaasi fulisay ay Goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa Goobta gaaray ku waas oo sameeyay howlgallo balse aan weli wax dad ah aysan ku qaban,waxana Meydkii Goobta ka qaaday ehelada Marxuumka.

Comments