Daawo: Nin Cadaan ah oo Baabuur dardarsiiyay dad Masaajid kasoo baxay & Soomaali kamid ahayd…

51

Sida ay sheegeen laamaha amaanka UK, Gaari yar oo kuwa raaxada ah oo uu watay ruux aan Muslim ahayn ayaa jiiray dad kazoo baxay masjid ku yaala waqooyiga magaalada London, waxaana ka dhashay weerarkaas dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Booliska ayaa meel u dhow masjidka Finsbury Park oo uu weerarkan ka dhacay ku xiray ruux cadaan ah oo looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay weerarka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood ahaa muslimiin kazoo baxay masjidka kuwaasoo soo dukaday salaada taraawiixda.

Afhayeen u hadlay Jaaliyada Muslimiinta UK, ayaa BBC-da u sheegay in weerarka uu ahaa mid ula kas ah oo lagu bartilmaameedsaday dadka masjidka kazoo baxay.

This slideshow requires JavaScript.

Sida aad ka arki kartaan sawirkaan Hoose, dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Hooyo Soomaaliyeed, taasoo ay saacidayaan Booliska UK.

Comments