Berbera: Dab ka kacay dekada magaalada Berbera

0
5
Dab kacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab ka kacay dekada magaalada Berbera ee deegaanada Somaliland, kaasi oo khasaaro geystay.

Dabka ayaa ka kacay barxada la dhigo kunteenarada laga dajiyo maraakiibta ku xerata dekada magaalada Berbera, kadib markii uu qarxay mid kamid ah kunteenarada goobta taalay.

Qiiq badan iyo uuro ayaa cirka isku shareertay abaaro 06:30 xiliga magaalada Berbera, waxaana kadib dadaal badan lagu bixiyay sidii loo damin lahaa dabkaasi.

Axmed Yuusuf Dirir, oo ah maareeyaha dekada magaalada Berbera ayaa xaqiijiyay in shaqaalaha dab damiska ay ku guuleysteen saacado kadib markii dabka uu kacay inay damiyaan.

Maareeyaha, ayaa xaqiijiyay in dabkaasi uu ka dhashay kunteenar, balse maanu kala cadayn waxa dhabta ahi ee sababay in uu dab dhaliyo, ha yeeshee ay taasi ogaan doonaan marka baaritaan lagu sameeyo.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay inaanu jirin wax raad ah oo dabkaasi uu ka tagey, marka laga soo taggo in uu burburiyay hantidii ku jirtay kunteenarkaasi iyo tiro ka mid ah shaqaalihii dab demiska oo ku waxyeeloobay.

Axmed Yuusuf Dirir, Maareeyaha Dekeda Berbera, ayaa tilmaamay in qaar ka mida shaqaalaha dab demiska ee shirkadda haamaha maamusha ee BOG, ay ku waxyeeloobeen dabkaasi.

Dab kacay

Share Your Comments