Somalia : Maamulka Balcad oo ka hadlay amaanka degmadaasi

70

Gudoomiyaha Degmada Balcad Mudane Cusmaan Maxamed Maxamuud “Xaadoole” ayaa Waxaa uu ka hadlay Arrimaha Amniga ee Degmadda Balcad iyo Xaalada ay ku sugan yihiin Shacabka ku Nool Degmadda Balcad.

Waxa uu Guddoomiyaha ka Hadlay Howlgalada ay Ciidamada Amaanka Degmada Balcad Sameeyaan Xiliyada Habeenkii

Gudoomiyaha ayaa Sheegay In Howlagkan uu Yahay Mid Lagu Sugayo Amaanka Degmada Balcad Iyo Deegaanada Hoos yimaada Kaasoo uu Ka Arimiyo Maamulka Degmada Balcad.

Mar uu Ka Hadlaayay Dhalinyarada ay Soo Qabtaan Ciidamada Amaanka ee la Geeyo Saldhiga Degmada Balcad ayuu Sheegay In Qofkii Lagu Waayo Wax Danbi ah Lasiideynayo Islamarkaana Iyada oo ay Damiin Ka Noqonayaan Waalidiintiisa Iyo Gudoomiye Waaxeedka Xaafada uu degan yihiin.
Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada aan la aqoon inay iska diiwaan geliyaan degmada si loola socdo dhaqdhaqaaqooda

Comments