Somalia : Norway oo aqoonsatay Passport Soomaaliya

0
2
Passport-Somalia

Masuuliyiinta ugu sareyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Norway aqoonsatay Passport-ka Soomaaliya.

Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay passport Diblumaasiga ah oo ay adeegsadaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in socdaalo kala duwan oo uu ku tagay dalalka Qaarada Yurub inuu kala hadlay sidii ay u aqoonsan lahaayeen Passport Soomaaliya.

Maxamed Aadan Koofi, wuxuu sheegay in aqoonsiga passport diblumaasiga isagaba uu yahay talaabo horey loo qaaday, islamarkaana dalalka kale ee Yurub inuu ka dhaadhicin doono aqbalida Passport Soomaaliga.

Madaxda Soomaaliyeed ayaa ku safra Passport diblumaasiga ah ee Gaduudan, waxaana ugu dambeeyay oo ku baxay wasiirka arimaha dibbada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Passport-Somalia

Share Your Comments