Mogadishu: Ra’iisul wasaaraha oo fariin u diray Soomaalida

0
2
Ra'iisul wasaaraha dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa fariin nabadeed u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii nabad lagu heli lahaa.

Dhibaatada dhameysay shacabka Soomaaliyeed ayuu ku sheegay inay tahay xabad, qarax iyo waxyeelo dhexdooda ah, loona baahan yahay sidii arimahaasi looga gudbi lahaa.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay hubka iska dhigaan oo ay ka shaqeeyaan nabad kusoo celinta dalka Soomaaliya oo haatan wadadiisii la hayo, sida uu sheegay.

Hubka ay heystaan shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay inuu yahay  dhibaato inteeda la eg, maadaama ay iyaga isku dilayaan.

Hoos ka dhageyso codkiisa.


Ra’iisul wasaaraha dalka

Share Your Comments