Mogadishu: Madaxweyne Farmaajo oo dib u heshiis ugu baaqay Al-shabaab

0
2

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa fariin dib u heshiis ah u diray ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlay shirweynaha dib u heshiisiinta qaranka oo shalay kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Al-shabaab muhiim u tahay inay dib ula heshiiyaan shacabkooda.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Al-shabaabka doonaya inay dib ula midoobaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay Madaxweyne Farmaajo inay sameyn doonto talaabo walbo oo lagu joojinaayo dhiiga Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay kusoo biiraan dowladda ,islamarkaana Qaraxyadda ay joojiyaan.

Hoos ka dhageyso codka

Share Your Comments