Mogadishu: Al-shabaab oo weeraray saldhig Ciidamada AMISOM leeyihiin

0
3
Al-shabaab

Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ayaa weeraray saldhigyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ku leeyihiin magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay weerarka Al-shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda ee degmada Buulo-Burde.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa iska difaacay weerarka Al-shabaab kaga yimid, waxaana labada dhinac isweydaarsadeen hubka culus.

Inta dagaalka uu socday waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada, waxaana hadda la sheegayaa iney dib usoo laabatay isgaarsiinta magaalada.

Ciidamada Al-shabaab ayaa weeraro kala duwan ka geystay deegaano ka tirsan gobolada dalka, waxaana u dambeeyay weerarkaan ka dhacay Buulo-burde iyo weerar ka dhacay deegaan 20 km u jira degmada Xudur.

Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka degmada Buulo-Burde.

Al-shabaab

Share Your Comments