Ethiopia: Ururka goboleedka IGAD oo xil u magacaabay Generaal Gabre

36

War qoraal ah oo kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in xil cusub loo magacaabay Generaal Gabre oo Soomaalida si weyn u wada taqaano.

Generaal Gabre ayaa IGAD sanado badan kala shaqeynayay xafiiska Soomaaliya, waxaana uu mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 5000 oo doolar, sida qoraalka lagu sheegay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay inuu Gabre  ka shaqeyn doono xafiiska xoghayaha IGAD, waxaana mushaar u qaadan 7015.06 (todobo kun iyo 15 doolar).

Hoos ka akhriso qoraalka

Col. Gabre Egziaber

Comments