Elman oo tababare cusub u magacaawday Cabdi John

91

Kooxda faca weyn ee  Elman ayaa xilka ayaa ceeyrisay  tababaraheeda reer Uganda ee Mayanja Roberto.

Lama garanayo sababta rasmi ah ee keentay inay xilka ka dajiso Roberto maadaama ay kooxdu ku jirto kaalinta labaad ee horyaalka Soomaaliya isla markaana laga sareeyo hal dhibic oo qura iyadoo ay harsan tahay dhowr kulan.

Elman ayaa iminka xilkeeda u dhiibatay Cabdi Joon oo ah laacib markii hore ka soo aflaxay kooxda oo taariikh fiican ku leh.

Cabdi Joon ayaa horey macallin ugu soo noqday kooxaha Dekadda iyo Horseed oo xoog ku wada leh horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Comments