Chelsea oo sii diyaarsatay macalinkii u badali lahaa Conte

73

Tababaraha Blues ayaa la sheegay inuu ka careysan yahay xaalada suuqa kooxdiisa oo ilaa iyo haatan wax ciyaartooy ah soo iibsan.

Conte ayaa doonaya in xili ciyaareedka dambe kooxdiisa Chelsea difaacato horyaalka Ingiriiska, islamarkaana wacdaro ka dhigto tartanka Champions League.

Laakiin mustaqbalkiisa Stamford Bridge ayaa shaki uu ku jiraa haddii kooxda ay u ballan qaadi weydo inuu ciyaartooy cusub lasoo saxiixdo.

Conte ayaa la filayay inuu hor dhigo sharuudo adag maamulka Chelsea, ka dib markii xilli ciyaareedkii dhamaaday uu ku guuleystay Horyaalka Premier League.

Chelsea ma doonayaan inuu baxo macalinkaa reer Talyaani, waxaana wadahadal ay la qaadan doonaan toddobaadyada soo socda si uu heshiis cusub ugu saxiixo.

Sida laga soo xigtay Daily Telegraph, kooxda Blues ayaa rajeyneysa saxiixyada Timeoue Bakayoko iyo weeraryahanka Everton Romelu Lukaku.

Tababarihii hore ee Juventus ayaase ku qanci waayay qaab kooxdiisa ay u wajahday dalabyada ciyaartooydaasi, taasoo la micno ah inuu ka tagi karo Stamford Bridge.

Tababarihii hore ee Barcelona Enrique ayaa loo arkaa shaqsiga ugu horeeya ee maamulka Chelsea ku bedeli karaan macalinka talyaaniga ah haddii uu go,aansado inuu ka tago kooxda.

Macalinka reer Spain ayaa ka tagay Camp Nou dhamaadkii xilli ciyaareedkan, waxaana uu nasiino la qaadanayaa hadda qoyskiisa.

Comments