Somalia : Mareykanka oo shidaal ka baaray dalka Soomaaliya

0
3
stephen-schwartz-us-envoy-somalia

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in shirkado shidaal oo laga leeyahay dalkaasi ay baaritaan Shidaal ka sameeyeen qeybo kamid ah Soomaaliya.

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Michael Schwartz oo la hadlay Idaacadda Goobjoog oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in shirkado laga leeyahay dalkaasi ay baareen shidaalka Soomaaliya.

“Shirkada Mareykanka ee shidaalka baara horey ayey u maalgeliyaan Soomaaliya waxayna ka sameeyeen baaritaanno ku aaddan shidaalka Soomaaliya sanado badan ka hor ma garan karo 30kii sano ee ugu dambeeyey wax lagu fikiray laakiin waxaa jiray shirkado waaweyn oo baara shidaalka kuwaasoo eegayey inay meelo fursado ka jiraan marka waxaan isleeyahay inay jiraan shirkado Ameerikaan ah oo shidaalka baara kuwaasoo s taxadar leh u eegaya Soomaaliya iyo haddii ay maalgelin karaan Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Stephen Michael Schwartz  oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri”Farriinta aan u dirayo dadka Soomaaliyeed waxay tahay inaan ugu hambalyeeyo inay heleen dowladda la soo doortay waxaana ku faraxsanahay inaan la shaqeyno dadka Soomaaliyeed lana meelmariyo siyaasaddii iyo hay’adihii caawin lahaa dalka waana dowlad aan dooneyno inaan la shaqeyno waxaana isleeyahay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal wanaagsan inkastoo ay waqti qaadaneyso dadka waxaa looga baahanyahay inay dulqaataan dowladda Mareykankuna wey kala shaqeyneysaa arrintaas”.

stephen-schwartz-us-envoy-somalia

Share Your Comments