Mogadishu: Al-shabaab dilay wadaad masjid ku sugnaa oo lasoo qabtay (Sawiro)

52

Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo ayaa magaaladaasi kusoo bandhigay seddex ruux oo habeen ka hor masjid ku yaala magaaladaasi ku dishay wadaad caan ahaa.

Ciidamada booliska ayaa waxay sheegeen in baaritaano ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ay kusoo qabteen seddexda ruux oo dil ka geystay magaalada Baydhabo.

Col Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa sheegay in ragaan ay ka dambeeyeen dilka Sheikh Maxamed Deyr oo ay ku dileen masjidka xaafada Towfiiq ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay in Sheikh uu kamid ahaa ergadii xildhibaanada Koofur Galbeed soo doortay, waxaana lagu dhex dilay masjid uu ku dhex jiray.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in raggaasi la horkeeni doono cadaalada.

Hoos ka daawo sawirada.

Comments