Maamulka Real oo C.ronaldo ka dalbaday 2 isbuuc ineey kusoo xaliyaan…

0
5

C.ronaldo ayaa shalay dunida kubadda cagta ka yaabsaday markii uu si cad u sheegay inuu isaga tagayo Real Madrid iyo Spain, waxaana arintaas filan waa ay ku noqotay maamulka kooxda iyo taageerayaasha.

ayaa haatan ku maqan xulka qaranka dalkiisa Portuga, kooxdana ma dooneyso inay mustaqbalkiisa kala hadasho khadka taleefanka sidaasi daryeed waxa ay sugi doonaan ilaa iyo muddo labo isbuuc ah inta uu ka soo dhamaanayo koobka Confederations Cup si ay wadahadalo fool ka fool ah u la yeeshaan, sida ay qortay jariirada Marca

Ilaa iyo waqtigaas laga gaarayo waxa ay rajeynayaan in Ronaldo uusan ka qeyb qaadanin wareysiyo kale, halka ay sidoo kale rajeynayaan inay xaalada degi doonto inta uu ku sugan yahay dalka Ruushka.

Real Madrid ayaa taageere u muujisay ciyaaryahanka ka dib markii la shaaciyay dacwada canshuur lunsiga ee uu wajahayo, sidaasi darteed warkii shalayto soo baxay ee sheegayay inuu doonayo inuu baxo waxa ay amakaak ku noqotay dadka qaar ee Real Madrid gaar ahaan marka la eego inuu hore u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu kooxda joogo ilaa iyo da’da 41 sanno.

Inkastoo la sheegay in go’aankiisa uu yahay mid kama danbeys ah, hadana Santiago Bernabeu waxaa ka jirta rajo ah inay ka dhaadhicin karaan 32 jirkaan inuu maankiisa bedelo 15ka maalmood ee soo socda, laakiin ma doonayaan inay ka horyimaadaan rabitaanka ciyaaryahanka ilaa iyo koox ay ka bixineyso lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Share Your Comments