Conte oo faraqa loogu shubay £250million

88

Milkiilaha kooxda Chelsea ayaa taageero xoogan u muujiyay macalinka kooxdiisa Antonio Conte, isagoona farta ka saaray aduun dhan £250million si uu ugu soo iibsado 4 xidig oo waaweyn.

Chelsea ayaa haatan diyaar u ah inay fuliso qorshaha Conte iyagoo bartilmaameedsanaya inay heshiis 50 milyan ginni ah kula soo wareegaan daafaca Juventus Leonardo Bonucci inkastoo uu 30 sanno jir noqday bishii la soo dhaafay.

Waxa ay sidoo kale guulo ka gaareen wadahadalada heshiiska 40ka milyan ginni ee ay kula soo wareegayaan xiddiga khadka dhexe ee AS Monaco Tiemoue Bakayoko.

Kooxda Blues ayaa waxaa durbaba la filayaa inay xaqiijiso heshiiska ay ku soo ceshanayaan weeraryahanka Everton Romelu Lukaku heshiis kor u dhaafaya 70 milyan ginni, waxaana sidoo kale diirada u saaran ciyaaryahan kale oo Juventus ah daafaca bidix Alex Sandro.

Comments