Somalia : Dagaalo beeleed ka dhacay gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed uu ka dhacay gobolkaasi Hiiraan.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dilal ku saleysan aanooyin qabiil iyo murano dhulka la xiriira ay ka dhaceen deegaan u dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ku dhawaad 9 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay halka 10 kalana ay ku dhaawacmeen, deegaan ku dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dhawaan maamulka Hirshabeelle ayaa ka digay dagaal beeleedyada ka dhacaya gobolka Hiiraan, waxaana muuqanaya inay soo laalaabteen dhibaatada dagaal beeleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay Muqdisho ka furtay shirweyne dib u heshiisiin ah oo la doonayo inay shacabka Soomaaliyeed yeeshaan dib u heshiisiin dhab ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.