Mogadishu: Sidee Caalamka lacag cadaan ah ugu aamini karaan Soomaaliya [Dhageys]

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirto sidii markale ay usoo laaban laheyd kalsoonida caalamka ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Kalsoonidaasi oo ah in dhaqaalo cadaan ah lagu aamini karo madaxda Soomaalida, maadaama intii burburka lagu jiray ay luntay kalsoonidaas.

Wasiirka wasaarada maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, oo la kulmay wasiirada maamul goboleedyada ayaa sheegay inay iyaga ka shaqeyn karaan in markale kalsoonidii ay soo ceshataa Soomaaliya.

Wuxuu sheegay haddii mashaariicda loo fuliyaa si sax ah oo aan laga hagran dadkii loogu talo galay inay soo celin doonto kalsoonida shacabka, kadibna la heli doono tan caalamka.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay inay iyaga wadaan qorshahaasi loona baahan yahay in maamul goboleedyada xubnaha matalaya inay ka qeyb qaataan soo celinta sharafta ummada Soomaaliyeed.

Hoos ka dhageyso codka

C.raxmaan-Ducaale-Beyle

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.