Dhibaatada Soomaaliya kala kulantay khilaafka Khaliijka [Warbixin]

Xiisada ka dhalatay xiriir u jaristii wadamada Sacuudiga uu hogaaminayo ku sameeyeen dalka Qatar ayaa saameyn xoogan ku yeelatay dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan dhexdhexaadnimo ah, kaasi oo dowladdaha Sacuudiga uu hogaaminayo aysan ku qanacsaneyn.

Sacuudiga ayaa doonaya in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto dalka Qatar , wuxuuna sharuudo kaga dhigayaa inuu joojinayo mashaariic uu ka fulin lahaa dalka Soomaaliya iyo kuwo horey loo balanqaaday.

Waxyaabaha uu sheegay inuu joojinayo waxaa ka mid ah dhismaha madaxtooyo cusub oo meel ka baxsan Muqdisho la qorsheynayo in laga hergeliyo, dhismaha waddo dhererkeedu yahay 250 km iyo dib usoo celinta diyaaradii Somali Airline.

Arinta yaabka badan dhalisay ee qabsatay baraha bulshada ayaa aheyd in Sacuudiga uu Soomaaliya u balanqaaday haddii xiriirka ay jarto Qatar inuu ku abaal marinayo 80 Milyan oo doolar.

Madaxda maamul goboleedyada waxay doonayaan in xiriirka loo jaro Qatar, maadaama dowladda Imaaraatka oo xulufo la ah Sacuudiga ay mashaariic iyo taageero dhaqaalo ka waddo maamul goboleedyada dalka.

Imaaraatka ayaa heshiisyo la galay Puntland, Galmudug, G|Kofur Galbeed iyo Maamulka cusub ee HirShabelle, isagoo la wareegay dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

Arinta shacabka ay niyada ku hayaan ayaa ah in Imaaraatka uu dalkiisa kasoo celiyay wiil Soomaaliyeed oo tartanka qur’aanka Kariimka kaga qeyb galayay dalka Imaaraatka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in masuuliyiin ka socdo dalka Sacuudiga ay kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaasi oo la doonayo in dowladda ay ku cadaadiyaan inay ka laabato go’aankii hore oo xiriirka ay Qatar u jartaa.

Wasiirka arimaha dibada Sacuudiga

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.