Xildhibaanada & Wasiirada H/Shabeelle oo Balcad iyo Jowhar shirar ku yeelanaya

Wararka naga soo gaaraya deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xildhibaanada iyo wasiirada Hirshabeelle oo kala aragti kuwan ay yeelanayaan kulamo kala duwan.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa ku kulmaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe halka wasiirada ay kulan gaar ah ku yeelanayaan degmada Balcad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in shirka ka dhacayo degmada Balcad uu yahay mid maalmahaan soo socday qorshihiisa, waxaana la filayaa inuu ka qeyb galo madaxweynaha Hirshabeelle, iyaga oo doonaya in gobolka Banaadir uu yeeshaa maamul gaar ah.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa dhankooda looga yeeray magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle, waxaana la filayaa isla maanta inay kulan ku yeeshaan Jowhar.

Xildhibaanada  Hirshabeelle waxaa lagu wargeliyay in shirka maanta uu ku saabsan yahay wax ka badalida qodobo dastuurka kamid ah.

Waxaana la ogeyn sida ay ku suuro gali karto maadaama 35 wasiir ay ka mid yihiin xildhibaanada baarlamaanka ayna dhankooda Shir ku yeelanayaan degmada Balcad.

Jowhar

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.