Wasaarad R/wasaare Kheyre ku eedeeysay inuu “Ihaano” kula kacay

Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, Cabdicasiis Saalax Armaan oo maanta weriyaasha la hadlay ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu kula kacay wax uu ku sheegay “Ihaano”.

“Raysal wasaarihii dhammaa ayaa shaqadii wasaaradda mararka qaar qabta isaga ayaa booqda wasaaradaha la xisaabtamaha shaqaalaha, waana shaqadeenii aan lahayn”ayuu yiri wasii Armaan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale caddeeyay in wasaaradaha qaar ay ka shaqeeyaan shaqaale aan xitaa qori karin magacooda oo meesha si yaabo kala duwan lagu geeyay balse loo baahan yahay in shaqadooda loo madax banneeyo si ay ula xisaabtamaan shaqaalaha noocaas oo kale.

Hadalka wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa ku soo aadaya iyadoo ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu billaabay la xisaabtanka shaqaalaha dowladda, waxaana maalin kasta uu booqan jiray xafiisyada wasaaradaha si u soo eego shaqooyinka ka socda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intii howlahaas uu ku jiray waxa uu shaqada ka eryay dhowr shaqaale kuwaasoo la sheegay in ay shaqada imaan jirin.

Waxaa kaloo ra’iisal wasaaraha soo saaray wakhti rasmi ah oo shaqaalaha dowladda ay hal mar wada tagi karaan shaqada isla markaana uga bixi kaaraas taasoo ah laga billaabo 08:00am illaa 4:00pm maalin kasta marka laga reebo Khamiista iyo Jimcaha.

Isha: Soomaalikabe

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.