Somalia: Sacuudiga oo kordhiyay tirada xujayda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay kordhisay tirada xujayda Soomaaliyeed ee loo ogolaa inay tagaan xajka sanadkii.

Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta Soomaaliya ayaa sheegay in markii hore 7,300 oo xujey ah loo ogolaa Soomaaliya, balse sanadkaan 9,300 oo xujey ah.

Wasiirka ayaa sheegay in arintaasi ay fursad weyn u tahay dadka Soomaaliyeed ee jeclaa inay sanad kastaa tagaan Xajka.

“Dadkii Xajka taggi jiray Somalida waxaa lagu soo daray. Toddobo kun iyo saddex boqol ayaa taggi jirtay, sagaal kun iyo saddex boqol ayay ka dhigeen.” Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Somaliya.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in dowladda Sacuudiga ay aqbashay in xayiraada laga qaado xoolaha Soomaaliya oo dalkaasi loo iib geyn jiray.

“Ujeedada aan u tagnay way ka duwaneyd xiisadan siyaasadeed ee ka taagan Bariga Dhexe, waxayna ahayd arrin sida xoolaha Somalida oo kale looga qaadi lahaa xayiraadda ama loo ogolaan lahaa inay yimaadan dalkaasi. Xoolihii Somalida xajka way ogolaadeen sanadkan in xoolo badan oo Somaliyeed la geeyo.” Ayuu yiri Wasiirka.

xujey

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.